Dhoolatusyo Milliteri Oo ka dhacay Afqaanistaan. (SAWIRRO)
Kumanaan askari oo katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Imaarada islaamiga ah ayaa dhoolatusyo milliteri kusoo bandhigay magaalooyinka waaweyn ee Qandahaar iyo Kaabul.
Dhoolatusksan milliteri oo ahaa mid si aad ah loo soo qorsheeyay, ayaa waxaa ka qeybgalayay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah, kuwaasoo soo qaatay tababaro gaar ah oo loogu talagalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran.
Gawaarida dagaalka ee gaashaman oo ay kamid yihiin Hammarska oo ah gawaari ay soo saarto dowladda Maraykanka ayaa qeyb ka ahaa dhoolatuska, waana saanadihii milliteri ee ay gacanta ku dhigeen ciidamada Imaarada Islaamig ah, tan iyo markii ay dalka isaga carareen huwantii uu horboodayay Maraykanka.
Waxaa kaloo dhoolatuskan milliteri qeyb ka ahaa diyaaradaha hellicopters-ka oo jawwi hoose ku duulayay, kuwaasoo lagu arkayay hawada magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afqaanistaan.
Ciidamada dhoolatuska kusoo bandhigay magaalooyinka Qandahaar iyo Kaabul waxay ku labisanyihiin dareeska milliteriga ee ciidamada, iyagoona watay Raayaadka Towxiidka oo waaweyn.
Reer Afqaanistaan, gaar ahaan dadka ku nool magaalooyinka Qadahaar iyo Kaabul ayaa daawanayay dhoolatuska milliteri ee ay soo bandhigeen ciidamada Imaarada islaamiga ah, waxaana dadka ay muujinayaan dareen farxadeed oo ballaaran.
Afqaanistaan waxaa laga hirgeliyay dowlad islaami ah wixii ka dambeeyay markii ciidamada Shisheeyaha isaga carareen dalkaas, waxaana dhoolatuskan milliteri uu kusoo aadayaa iyadoo dhawaan wasiirka Gaashandhiga ee dowladda islaamiga ee Afqaanistaan Mullaa Yacquub Mujaahid uu sheegay iney si dardar leh ku socoto dadaallada lagu xoojinayo ciidamada Imaarada islaamiga ah.