Dhageyso: Dilka Cabdicasiis Afrika Iyo Dareenka Wariyaasha. Qore: Suxufi MM Xaaji (Maqaal).

Waxaan ahay saxafi ku nool magaalada Muqdisho oo ay muddo dhowr iyo toban sano ah is garanayeen Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) kaasoo ay xalay Xarakada Al-Shabaab ku dishay meel aan sidaa uga fogeyn Madaxtooyada.  Afrika mar waxaan ahayn saaxiibo aad isugu dhow, mar kalana waxaan kasoo wada shaqeynay mid kamid ah idaacadaha gobolka Banaadir.

Xarakada Al-Shabaab oo ka dambeysay weerarka lagu beegsaday Cabdicasiis Afrika ayaa waxay sheegtay in ay muddo badan ku daba jirtay si ay u khaarajiso, sababtuna tahay inuu ka dambeeyay dhibaateynta dad badan iyo dilka kuwa kale oo uu kamid ahaa Xassan Xanafi Xaaji, waxayna kusii goodiyeen iney beegsan doonaan cid walba oo dariiqiisa marta.

Haddaba anigoo ah saxafi madax bannaan oo aan u shaqeyn Dowladda Soomaaliya, asaan taageersanayn Xarakada Al-Shabaab, ayaa waxaan jecleystay inaan maqaal dhab ka hadal ah ka qoro taariikhda Afrika, dareenka wariyaasha iyo isbarbardhig aan ku sameynayo dilkii Afrika iyo kii Xanafi.

 AFRIKA WAA KUMA?

Afrika wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, Aabihiis oo ahaa askari hadba gobol loo baddalayay darteed ayuu noloshiisa ku qaatay magaalooyin kale oo ay kamid yihiin Muqdisho iyo Baraawe. Marka laga hadlo tacliintiisa wuxuu bartay luqadda Ingiriiska oo uu ka dhigan jiray iskuulka Ablaal oo ku yaalla degmada Heliwaa, agagaarka Baarka Walaalaha, macallimiintiisu waxay kala ahaayeen Cabdiraxmaan Ablaal oo hadda u taagan musharaxnimo iyo Balack.

Afrika kuma guuleysan inuu qaato waxbarasho nidaami ah haddey tahay iskuul hoose, dhexe iyo sare. Waxaa ingiriisiga u wehliyay inuu iskuullo gaar loo leeyahay ka qaatay koorsooyin saxaafadeed oo gaagaaban uuna markiisii ugu horreysay ka shaqo billaabay idaacaddii STN oo uu tabaabrna ku qaadanayay. Idaacaddaasi ka hor wuxuu la joogi jiray malleyshiyadii degganayd Warshaddii Baastada iyo kuwii joogay magaalada Marko ee uu hogaamiyaha u ahaa Janaraal Yuusuf Indhacadde.

Afrika ayaa sidoo kale ka shaqeeyay idaacado dhowr ah oo isugu jira kuwa gobolada ku yaalla oo uu warka uga tabin jiray Muqdisho iyo qaar kale oo aan ka xusi karo Shabelle iyo Codka Nabadda. Daceecad ahaan wuxuu ahaa nin yara kulkulul asaan calool ku qaad lahayn. Muddo sannad ku dhow oo aan wada shaqeeneynay ma ahayn mid dukada, waxaan xasuustaa mar ay arrintaas darteed isku qabteen nin wadaad ah oo waardiye ka ahaa idaacadda. Maalinka jimcaha wuxuu inaga dalban jiray inaan ku wareejinno shaqada duhurnimo oo aan wixii rag ah waqti hore iska sii aadno Masjidka.

Sannadkii 2009, wuxuu si rasmi ah ugu biiray dhinac kamid ah dhinacyadii uu dagaalku ka dhaxeeyay oo ah dowladda isagoo xilligii xukuumaddii Xassan Sheekh noqday sarkaal ka tirsan ciidanka Nabad Sugidda sidaba ay maanta sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qeyb galay aaskiisa, halka uu horeyna  arrintaas u shaaciyay taliye ku xigeenkii sirdoonka DF, Cabdalla Cabdalla, Jagadaas ayaa waxay Afrika u samaaxday inuu yeesho awood uu ku caburiyo in badan oo kamid ah wariyaasha Muqdisho.

Shaqsi ahaan waxaan Afrika dhowr jeer ku waaniyay inuu ilaaliyo Anshaxa saxaafadda marka uu war ama barnaamij ka diyaarinayo dad aanan la xukumin, wuuna iga aqbalay inkastoo aanan ka arag dhaqan galkeeda. Akhristow mararka qaar kolka aad taariikh ka hadleyso waxaa kusoo maraya xaqiiqooyin aanad ka tallaabsan karin dantuna ay kugu kallifeyso inaad iyagoo qaraar sheegto waayo waxaa la yiraahdaa (taariikhdu ma naxariisato).

Cabdicasiis Afrika waxaa taariikhdiisa caanka ah kamid ah inuu kufsaday gabar ay isku mihnad ahaayeen kana shaqeeneysay idaacadda shabelle Nofember 2013. Faadumo Cabdulqaadir oo ah gabar uu dhali karo ayaa warbaahinta ka sheegtay iney kufsadeen isaga iyo nin kale oo filim qaade ka ahaa warbaahinta dowladda, dhacdadaasna waxay sababtay in sirdoonka dowladdu weeraraan idaacadda Shabelle islamarkaana xeraan qaar kamid ah wariyaashii ka hawl galayay oo aan ka xasuusto Maxamad Bashiir. Dhacdada kufsiga Faaduma iyo tacaddiyadii ka dhashay dartood ayaa waxaa dibadda loogu qaaday gabadha iyo qaar kamid ah wariyaashii Shabelle oo illaa hadda ku nool Yurub! Afrika wuxuu habeenkii xalay ku baxay gacanta Xarakada Al-Shabaab oo uu dagaal kala dhaxeeyay.

ISBARBARDHIG DILALKII XASSAN XANAFI IYO C/CASIIS AFRIKA

 Cabdicasiis Afrika wuxuu galay dagaal qof kasta u muuqda, ninkii dagaal u bareerana aqoontu waxay na tuseysaa inaan subag iyo saliid loo marineyn hayeeshee la dilayo. Bishii Abril ee sannadkii 2016, waxay Dowladda Federaalka toogatay Xassan Xanafi Xaaji oo ka mid ahaa wariyaasha Xarakada Al-Shabaab oo ay kasoo iibsatay dowladda Kenya, maalintaas ma dhicin in ka saxafiyiin ahaan aan ka tacsiyeyno geeridaas, ma jirin saxafi cambaareeyay, ma jirin wariye su’aalo ka keenay qaabkii loola dhaqmay iyo xaaladdiisii caafimaad, laakin (haddaan runta isku sheegno) C/casiis Afrika aad baan uga naxnay dilkiisa annagoo muujineyna inaan isku mihnad ahayn.

Sidaasi aawgeed su’aashu waxay tahay haddii aan Afrika ugu jiir naxnay sida ay asxaab badan ii sheegeen inuu saxafi ahaa oo aan isku qaanad ku jirnay, Xanafiba saxafi ayuu ahaa, ee maxaa keenay inaan midna u doodno midka ka aamusno? Arrintaas waan waayay qof si cilmi ah iiga jawaaba waan sugayaa.

Haddii saxafiyiinta qaar ay ku doodaan Xanafi wuxuu ahaa sarkaal, Afrikaba sarkaal ka tirsan Sirdoonka ayuu ahaa. Waa su’aal nagu soo laabanaysa oo u baan inaan dib isku weydiino kana fakarno miisaanka aan wax ku cabbireyno, haddii kale waxaan noqoneynaa garab kamid ah dhinacyada dagaalamaya.

Ugu dambeyntii Afrika wuxuu u hoyday aakhiro kuma huwinayo ammaan uusan lahayn, mana saarayo eed uusan mudan, wuxuu leeyahay wixii uu Rabbi kala kulmo, anana waxaa nala gudboon inaan ka fakarno adduunyadeena iyo aakhiro wixii aan Alle hortiisa la tagi doonno.

MAHADSANIDIIN.
FIIRO GAAR AH FIKIRKA MAQAALKA WUXUU U GAAR YAHAY QORAHA, LOOMA TIIRIN KARO RADIOALFURQAAN.COM

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.