Gaari BG ah iyo Askartii saarneyd Oo ku Go’ay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Waxaa goordhow qarax aad u culus deegaan katirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan Shisheeyaha.

Qaraxa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Buufow ee duleedka magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas ku naf waayay ciidankii saarnaa oo idil marka laga reebo hal askari.

Gaariga uu qaraxu haleeley oo ahaa nooca BG-ga loo yaqaano islamarkaana daabula ciidamada ayaa gebi ahaanba ku basbeeley qaraxa.

Shalay ayay ahayd markii deegaanka Ceel wareegow ee duleedka magaalada Marko qarax lagula beegsaday ciidamada Shisheeyaha, gaari Taw ah ayaana halkaas ku gubtay, wixii saarnaanana dhimasho iyo dhaawac ayay noqdeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.