Gaari Dagaal Oo Lagu Gubay Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qarax xoogan lagu beegsadya gaari Taw ah oo ay saarnaayeen ciidamada Dowladda federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa basbeeliyay gaariga Tawga ah, waxaana ka dhashey waxyeello kala duwan.

Wuxuu ka dhacay qaraxa gudaha degmada Awdheegle, sida ay ku waramayaan ilaha aan soo xiganeyno.

Gaariga Tawga ah ayaa kamid ah gawaari dhowr ah oo ay dowladda Turkiga siisay ciidamada iyada sida gaarka ah u hoostaga balse katirsan Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.