Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Oo Qarax Culus Lagu Weeraray.

Waxaa caawa fiidkii magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay weerar culus oo lagu beegsaday gudoomiyaha cusub ee magaalada Kismaayo ugu magacaaban maamulka Jubbaland.

Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa qarax culus waxaa lagula eegtay bartamaha magaalada Kismaayo, waxaana qaraxa oo uu isagu ka badbaaday ku dhintay xogheyntiisa gaarka ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxaa sii kordhaya howlgallada ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulinayaan qeybaha ay dalka ka joogaan Shisheeyaha, Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.