Haweeney Kamid Ah Ergadii Dooratay Jawaari oo Isku Dhiibtay Al-Shabaab.

Ruqiyo Aadan Cabdi oo kamid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka si gaar ahna u dooratay Maxamad Cismaan Jawaari ayaa isku dhiibtay wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose.

Ruqiyo ayaa waxaa saxaafadda loogu soo bandhigay degaanka Kuuny-obarrow oo ah halkii ay markii hore ka tagtay, iyadoo sheegtay in ay dib ka garowsatay in shaqada ay qabatay ay ahayd mid diinta islaamka looga baxayo, maadaama qofka ay dooratay uu yahay sharci dajiye Alle la wadaagay xukunka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey ergooyinka ugu baaqday iney Alle uga towbad keenaan falka ay ku dheceen waxaana jira boqollaal horey u timid wilaayaadka islaamiga ah islamarkaana caddeeyay ineysan dib dambe ugu laaban doonin

Halkan Ka Degso Wareysiga RUQIYO

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.