Is Rasaaseyn dhexmartay Ciidamada Booliiska Kenya iyo Kooxo Tuugo ah.

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa tilmaamaya in koox hubeysan iyo ciidamada booliiska ay dhexmartay is rasaaseyn culus.

Magaalada Kisuumu ee gobolka Nayaza ayaa waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamada Ammaanka iyo malleeshiyaad tuugo ah, kuwaasoo dhac ka geysanayay banki ku yaala magaalada.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan ciidamada booliiska oo hadba dhinac u cararaya, islamarkaana la’san meel ay ka galaan bankiga oo ay rasaas kasoo ridayeen koox hubeysan.

Kooxaha burcadda ayaa ku badan gudaha dalka Kenya, waxaana mararka qaar la sheegaa iney yihiin ciidamada booliiska oo tuutaha ciidanka iska dhigay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.