Joe Biden Oo Caafimaad Daro Soo Wajahday.

Bayaan kasoo baxay Aqalka cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalkaas Joe Biden uu galayo qalliin caafimaad, isagoona masuuliyadda dalka kusii wareejiyay haweeneyda ku xigeenkiisa ah ee lagu magacaabo Kamila Harris.

Afhayeenad u hadashey Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegtay in howsha masuuliyadda madaxtinimada ee dalka Maraykanka ay sii heyneyso Kamila Harris, inta uu Biden daroogeysanyahay, islamarkaana qalliinka lagu sameynayo.

Xarun caafimaad oo lagu magacaabo Waltar ayuu aaday madaxweynaha dalka Maraykanka, halkaas oo ah goobta qalliinka caafimaad lagula sameyn doono madaxweynaha dalka Maraykanka.

Waa markii ugu horeysay oo haweeney talada madaxtnimada dalka Maraykanka loo dhiibo, waxaana tani ay imaaneysaa iyadoo Biden uu aad u waayeloobay, sidoo kalena la kulmayo xaruuno caafimaad.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.