Kudhawaad 20 Askari Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil Gaari.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa tilmaamaya in gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan kuwa Dowladda federaalka uu rogmaday.

Gaariga oo ay saarnaayeen ciidamo badan ayaa marayay inta u dhexeysa magaalada Dhuusamareeb iyo Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidamadii saarnaa ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

2 Askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa dhintay, 12 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray.

Ciidamada Dowladda federaalka oo aad u isticmaala maandooriyaha qaadka ayaa marka ay gawaarida kaxeynayaan waxay ku socdaan xawaare aad u dheereeyaa, taas ayaana sabab u noqota shilalka noocaan oo kale ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.