Kulan dhexmaray Wilaayada Shabeellaha Dhexe iyo beesha Abuubakar Gaabane.
Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo dhexmaray wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Dhexe iyo beesha Abuubkar Gaabane oo kamid ah beelaha dega gobolkaas.
Kulanka oo socdya muda todobaad ah ayaa waxaa barbar socday dowro diini ah oo loo qabtay odayaasha beesha, waxaana gebegebadii kasoo baxay bayaan 10 qodob ka kooban.
Waxaa xooga la saaray oo la isku waafaqay in la dardar geliyo faafinta dacwada, iyadoona hoosta laga xariiqay in dhamaan madaarista ku yaala magaalooyinka iyo baadiyaha ay beeshu degtaba laga dhigo madaaris Quraanka lagu barto Tajwiid.
Dhagayso Wilaayada-Shabeellaha-Dhexe-iyo-beesha-Abuubakar-Gaabane-oo-kulan-muhiim-ah-yeeshey.