Weerar Nafhurnimo Oo Muqdisho Lagula Beegsaday Saraakiil Caddaan ah.

 

Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho saaka ka dhacay camaliyad Nafhurnimo oo lagu beegsaday saraakiil caddaan ah, kuwaasoo kolonyo ku dhexmarayay bartamaha magaalada.

Camaliyadda ayaa ka dhacday meel u dhow madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim, waxaana saraakiisha caddaanka ee la beegsaday ay ahaayeen tababarayaal milliteri oo ciidamada Dowladda federaalka siinayay tababaro ciidan.

Gaariga miineysan ee uu kaxeynayay Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bartanka kaga qarxiyay kolonyada, taasoo keentay in burbur xoog leh uu gaaro gawaaridii ay saarnaayeen saraakiisha.

Idaacadda islaamiga ah ee Al-Andalus oo ku hadasha afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay baahisay iyadoo soo xiganeysa saraakiil katirsan Mujaahidiinta in khasaare ba’an oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac uu gaaray saraakiisha la beegsaday iyo ilaaladooda oo isuga jira ciidamo Afrikaan ah iyo kuwa Soomaali ah.

Dhawaan ayay ahayd markii camaliyad midan la mid ah lagu beegsaday saraakiil Maraykan ah oo qeyb ka ah caddaanka ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana camaliyadaas oo ka dhacday nawaaxiga Villa Baydhabo lagu dilay sarkaal Maraykan ah, halka mid kalena uu ku dhaawacmey.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.