4 Ruux oo Ameerikaan ah Oo ku dhintay Weerar ka dhacay Iskuul ku yaala Dalkaas.

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa tilmaamaya in weerar uu ka dhex dhacay gudaha iskuul ku yaala wadankaas, weerarkaas oo dhaliyay khasaare baaxad leh.

Magaalada Oxsford ee gobolka Mishigan ayuu ka dhacay weerarka, waxaana fuliyaha weerarka uu gudaha u galay iskuul sare oo ku yaala magaalada, halkaasna waxaa ku dhintay 4 ruux.

War kasoo baxay ciidamada booliiska dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ruuxa fuliyay weerarka uu adeegsanayay bastoolad, islamarkaana uu riday ugu yaraan 20 xabadood.

Illaa iyo hadda lama oga sababaha rasmiga ah ee fuliyaha weerarka ku riixday inuu qaado weerarka, waxaana ciidamada booliiska ay xaqiijiyeen inuu isasoo dhiibay fuliyaha weerarka, horaantiisana uuu kamid ahaa ardeyda fasalka dhiganeysay.

Maraykanka ma jiro todobaad soo mara oo aanu ka dhicin weerar, waxaana ugu wacan iyadoo hubku yahay mid fudud oo si sahlan lagu helo, dalkana waxaa ka furan suuqyo waaweyn oo laga iibsan karo hubka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.