Al-Shabaab oo In Ka Badan 30 Kenyaati Ah Ku Dilay Weeraro Ka Dhacay NFD.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawl gala dhulka Soomaalida ee ay Kenya heysato ayaa maanta fuliyay weeraro ka dhan ah ciidamada Kenya oo isugu jira hujuum toos ah iyo qarax weyn.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Wajeer ayaa waxay sheegayaan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerareen ciidamo Kenyaati ah oo joogay tuulada Konton oo hoostagta Qorof-Xaraar.

Ciidamada Kenya ee lagu weeraray Konton ayaa durbadiiba cararay waxaana lagala wareegay tuulada hase ahaatee Kenyaati kale oo ku sugnaa meel 1KM u jirta tuulada ayaa soo baxay iyagoo gurmad ah oo kasoo hormaray gaadiidkoodii islamarkaana lugeynaya, waxaana qabsaday qarax aad u xooggan.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, ciidamo tiradoodu u dhaxayso 30 illaa 40 ayaa waxay dul istaageen goobtii ay miinadu ku aasneyd kadibna mar qura oodda looga rogay taasoo keentay iney gabigood ku baaba’aan goobta, mana dhicin xataa inuu 1 askari ka badbaado.

Meydadka ciidamadan ayaa waxaa muddo laba goor ah daabushay diyaarad nooceedu yahay Helocoptor, marki hore diyaaraddu waxay qaaday meydadka askartii aan aadka ugu baabi’in qaraxa halka markii labaad ay qaaday xubno badan oo ay jarjartay Miinadu.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aadan dhacdadan khasaaraha badan dhalisay. Dowladda Kenya ayaa sannad walba u baroordiiqda kumannaan ciidamo ah oo looga dilay Soomaaliya iyo xataa dalkeeda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.