Barakac ka billowday magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Magaalada Boosaaso waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa welina ka jira xiisad siyaasadeed oo timid kadib markii ciidamada PSF-ta Puntland ka biya diideen wareegto lagu bedelay taliyihiin ciidamadaas oo kasoo baxday Siciid Deni.

Ciidamada iska soo horjeedo ayaa ku sugan magaalada Boosaaso, waxayna wadaan hub uruursi, iyagoona isku bir tumanaya.

Dadka magaalada Boosaaso waxay hadda billaabeen iney ka barakacaan magaalada, cabsi ay ka qabaan in lagu dul dagaallamo.

Halkan ka dhagayso Barakac ka billowday magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.