Barta Facebook Ee Janaraal Odawaa oo La Jabsaday.

Taliska ciidanka DF ayaa dul hoganaya fadeexad weyn kadib markii la jabsaday barta khaaska ah ee taliyahooda islamarkaana lagala baxay wixii macluumaad ahaa ee ku jiray haddey ahaan lahaayeen dukumiinyo sir ah iyo sheekooyin uu la wadaagay asxaabtiisa.

Arrintan ayaa la ogaaday kadib markii Janaraal Odawaa uu isku dayay inuu bartiisa isticmaalo kadibna ay u suura gali weysay inuu galo iyadoo dad kale ay usoo sheegeen in lagu qorayo wax yaabo aan isaga looga baran.

“Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu Dhammaan Bulshada soomaaliyeed la socodsiineynaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odawa Yusuf Rage” ayaa lagu yiri: war ay baahisay idaacadda DF.

Janaraal Odawaa ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin mar dhow bartay isticmaalka Facebook markiisii horana xoolo ku raaci jiray baadiyaha, waana midda keeneysa in si fudud loo jabsado amaba ay layli ka dhigtaan dhallinyarada barata Tecnology-yada.

Siyaasiyiinta qaar ayaa aaminsan in dhinacyo kale ay jabsadeen barta taliyaha ciidanka DF, laakin mar dambe ayaa waxay baahisay DF in lasoo celiyay cinwaankii Odawaa. Marar badan oo hore ayaa mas’uuliyiin ka tirsan DF laga jabsaday barahooda khaaska ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.