Ciidamada Al-Shabaab oo Hawlgallo Ka Fuliyay Muqdisho, J/hoose Iyo Galgaduud.
Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlgallo kala duwan xalay ka fuliyay gobolada Jubbada Hoose, Galgaduud iyo Banaadir, iyadoo beegsaday ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Weerarkii ugu horreeyay waxa uu ka dhacay gobolka Galgaduud, magaalo madaxdiisa Dhuusomarreeb kadib markii la weeraray garoonka diyaaradaha oo ay ku sugan yihiin ciidanka Jabuuti oo qeyb ka ah soo duulayaasha.
Ciidanka Al-Shabaab waxay dagaal culus ku qaadeen askarta Jabuuti iyadoo magaaladana aad looga maqlayay hubka la isku adeegsanayay, waxaana la rumeysan yahay in Jabuutiyaanka khasaare la gaarsiiyay maadaama hub culus lagu beegsanayay Teendhooyinkooda iyo difaacyadooda.
Muqdisho-na waxay xalay ciidamada Mujaahidiintu weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada DF ku leeyihii degmada Dayniile, xogtu waxay sheegeysaa in ciidamadaas lala begesaday laba qarax, lamana oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha gaaray. Gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdadan.
Dhanka Jubbada Hoose, habeenkii xalay waxaa ka dhacay weerar kale oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kaasoo lagu beegsaday saldhigga ciidanka Jubbaland ee Koran-uusle oo u dhaw Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.
Inta la ogyahay waxaa weerarkaas lagu dilay 1 askari iyadoo laga soo furtay Qorigii uu ku dagaalamayay iyo Booshkiisa kadib markii ay saaxiibadii ka carareen. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbalanad oo ku aadan dhacdadan.