Ciidamada Al-Shabaab oo La Wareegay Degaan Hoos Taga Kismaayo.

Ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weerar kula jarmaaday ciidamo ka tirsan kuwa Jubbland oo ku sugnaa degaan hoos tala magaalada Kismaayo.

Degaankan oo lagu magacaabo Yaaq-raar ayaa waxaa isaga cararay ciidankii Jubbaland kadib markii ay arkeen gulufka kusoo wajahan, sidaa darteed ciidankii Al-Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa si dhameystiran ula wareegay degaanka iyo barihii ay ciidanku joogeen halkaasoo ay ka sameeyeen hawlgallo.

Dadka degaanka ayaa soo dhaweeyay Mujaahidiinta iyagoo uga xog warramay xaaladooda nolosha iyo dhibaatooyinka ay qabaan. Saraakiisha Jubbaland oo aan dhankooda la xariirnay waxay ka gaabsadeen iney ka waramayaan tallaabada looga qabsaday degaankan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waayahan wada dhaqdhaqaaqyo ay ku furanayaan degaano hor leh, inta badanna waxaa dhacda in askarta DF ay cararaan markii ay arkaan ama ay maqlaan in lagu soo wajahan yahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.