Dad Isku Qoys Ah & Nin Sheekh Ah oo Ku Dhintay Duqeymo Ka Dhacay Boosaaso.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus oo maanta galinkii hore dhacay uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeen oo gaaray dad weynaha iyo labada dhinac ee uu hardanku ka dhaxeeyo.
Tiro kamid ah ciidanka Puntland iyo kuwa Mareykanku tababaray ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalkii maanta, iyadoo isbitaalo kala duwan la dhigay dhaawacyadooda, waxaase jira khasaare dadka rayidka kasoo gaaray madaafiicdii la is weydaarsanayay.
Madfac lagu sheegay Hoobiye ayaa ku habsaday guri kuyaalla agagaarka masjidka Salmaan Al-faarisi, ee Magaalada Boosaaso waxaana ku dhintay 3 qof oo isku qoys ahaa islamarkaana kala ahaa Oday, Gabar iyo Wiil yar.
SIdoo kale waxaa madfac ku geeriyooday Sheekh Xuseen Mukhtaar Afrax (Suudaani) oo ahaa wadaad caan ah oo Tafsiirka Qur’aanka ka akhriyi jiray Masjidka Salmaan Alfaarisi. Intaa waxaa dheer dad badan oo dhaawacyo qaba oo isbitaalada yaalla, waxaa xirmay ganacsigii iyo adeeggii bulshada.
Sida aan wararka ku heleyno, barqanimadii maanta markuu dagaalku cuslaaday ayaa waxaa hadlay Wasiirka Amniga ee Puntland kaasoo sheegay iney diyaar u yihiin iney wada hadal la galaan ciidanka Mareykanku tababartay ee PSF, arrintanna waxay ka dambeysay kadib markii safaaradda Mareykanka ee xerada Xalane ay soo saartay amar ah in dagaalka la joojiyo iyadoo u muuqatay mid si dadban u canaananaysa maamulka Saciid Cabdullaahi Dani.