Dagaal Culus Oo Ka Socda Qeybo Kamid Ah Magaalada Boosaaso.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa ku waramaya in halkaas uu ka socdo iska hor imaad xooggan.

Iska hor imaadka ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani iyo kuwa PSF ee uu Mareykanku soo taba bartay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Dani ay weerar ku qaadeen dhismayaal uu Boosaaso ka deganyahay taliyihii hore ee ciidamada PSF-ta, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalku uu wali socdo.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.