Faahfaahin Kasoo Baxaysa Dagaal Ay Al-Shabaab Kula Wareegeen Balcad.

Faahfaahin ayaa laga helayaa dagaal culus oo ay saaka waabarigii Milatariga Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, gaar ahaan xarumaha ciidanka DF.

Dagaal kooban kadib waxaa asakrta Mujaahidiinta Al-Shabaab u suura gashay iney ciidanka dowladda kala wareegaan degmada iyo dhammaan fariisimayaashoodii.

Xogtii ugu dambeysay ee laga helay dagaalka ayaa sheegeysa in ciidanka DF ay dagaalkii saaka ku waayeen 5 askari iyo agabyo badan oo laga soo rartay xarumahooda una badan qalabka Milatariga.

Intaa waxaa dheer in ciidamada Al-Shabaab ay dagaalkan kusoo furteen gaari cusub oo uu leeyahay mid kamid ah xildhibaanada Hirshabelle, mana ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan ah lagu soo qaado askarta DF.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Balcad, wax taageero ah kama heystaan shacabka maadaama ay ka qaadaan lacago badan oo aan sharci ahayn, halka ciidanka Al-Shabaab ay soo dhaweyn kala kulmaan bulshada degmada, horey waxay xabsiga Balcad uga sii daayeen maxaabiis badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.