Faraca Qurdhuba ee Ceelbuur oo ay ka qalin jebiyeen Dufco Cusub. (Sawirro)

Munaasabad aad u ballaaran oo ka dhacday magaalada Ceelbuur ee wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud waxaa lagu maamusay dufcada 11aad ee ka aflaxday machadka Qurdhuba ee wilaayadaas.

Ardey isuga jirta wiilal iyo gabdho ayaa ka aflaxday machadka, waxaana la gudoonsiiyay shahaadooyin ka marqaati kacaya waxyaabaha ay barteen.

Machadka Qurdhuba ee Diraasaadka Islaamiga ah iyo Culuumta Idaarada ayaa faracyo badan ku leh wilaayaadka islaamiga ee dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.