Gabar 12 Jir Ah oo Ay Kufsi Wadareed Ugeysteen Ciidamada DF oo Sh/Hoose Ku Geeriyootay.

Isbitalka guud ee magaalada Marko waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyootay gabar 12 jir ah oo ay degmada Jannaale ku kufsadeen ciidamada Dowladda Federaalka.

Gabadhan ayaa waxaa kufsaday in ka badan 10 askari sida laga soo xigtay qaar kamid ah ehelladeeda, halka dhaqtarka Isbitalka Marko uu sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in loo geystay kufsi wadareed ka badan 5 qof.

Meydka gabadha ayaan wali la aasin waxaana u dhiman baaritaano kale sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Jannaale ee DF. Ehelada gabadha ayaa lagu amray ineysan saxaafadda la hadlin inta baaritaanka la sameynayo, waxaana lagu maaweylinayaa in hawshooda guddo loo saaray.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa caan ku ah kufsiga haweenka, degmada Jannaale ayaana isku badashay goob kufsi tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada shisheeye ee Uganda iyo kuwa DF.

Gabdhaha ay kufsadaan ciidamada DF ayaanan inta badan la ogaan xogtooda, oo kaliya waxay shaac noqotaa markii ay gabdhuhu dhintaan ama dhib halis ahi soo gaaro, waxaana reer Jannaale ay rumeysan yihiin iney jiraan gadho badan oo la aamusay kufsigooda kuwaasoo qaarkood loo geeyay askarta Uganda.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.