Jabhadda Oromada: “Guutooyin Ciidamo Itoobiyaan Ah Ayaan Cagta Marinay”.
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in ay sii xoogeysanayaan dagaalada u dhaxeeya ciidanka Itoobiya iyo xulufadooda oo wada socda iyo dagaalyahanada qowmiyadaha Oromada iyo Tigreega oo kasoo horjeeda.
Xilli xukuumadda Abiy Axmad ay maalmihii lasoo dhaafay sheegeysay iney qabsatay dhul ay horey ugu sugnaayeen Tigreega walina ay kusii siqeyso ayaa waxaa dhanka kale aad usoo xoogeystay culeyska milatari ee uga imanaya dhanka qowmiyadda Oromada.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa jabhadda Ola ee Oromada ayaa shalay ku dagaalamay sadax gobol oo ka tirsan wadanka halkaasoo aad loogu baabi’iyay ciidanka Abiy Axmad.
Jabhadda Ola waxay sheegtay iney awood u sheegatay guutooyin ka tirsan ciidanka Itoobiya gaar ahaan kuwa loo yaqaano Liyu Xeylka ee ka hawl gala dhulka Oromada iyo nawaaxigiisa.
Afhayeenka jabhadda Oromada oo la yiraahdo Ooley Tarabi ayaa sheegay in dagaalo ka dhacay gobolada Walaga, Arsi iyo Guji ay uga itaal roonaadeen askarta Itoobiya kana dhigeen wax dhinta, in cararta iyo qaar ay gacanta ku dhigaan.
Wuxuu intaasi ku daray in ay hanteen hub farabadan, isagoo intaa ku daray in ciidanka Itoobiya aaney awood u lahayn iney dagaalamaan saacado xiriir ah, taasina wuxuu ku sababeeyay ineysan heyn wax niyad ah.
Wuxuu intaa ku daray in iyaga iyo Tigre ay ka mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Abiy Axmad oo uu ku eedeeyay iney martay dariiqii dowladihii hore oo ku dhisnaa gumeysi, isir-nacayb iyo dulmi, waxaana waajib nagu ah buu yiri “inaan soo afjarno kooxda naflacaariga ah ee tirada yar”
Ugu dambeynta wuxuu shacabka Oromada ugu baaqay iney u istaagaan sidii ay u difaacan lahaayeen sharafkooda iyo karaamadooda, siina laba jibaaraan kaalinta ay ku leeyihiin dadaalada gobolka looga xoreynayo ciidamada dowladda Itoobiya.