Qof Soomaali Ah oo Ku Geeriyooday Koofur Afrika.

Dalka Koofurafrika oo kamid ah wadamada ay Soomaalidu ku badan yihiin dhibaatooyinka ugu badanna ku gaaraan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah.

Ninkan oo la oran jiray Maxamuud Cabdullahi Kulane kuna magac dheeraa (Madaxeey) ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobolka Mpumalanga ee wadankaas kadib markii ay isku dhaceen gaari Truck ah oo isagu wade ka ahaa iyo mid kale.

Maxamuud ayaa kamid ah dhallinyarada Soomaalida kuwooda ugu caansan magaalada Johannesburg, waxaana xusid mudan in aaney illaa iyo hadda Bolisku ka hadal sababta shilka keentay.

Wadanka Koofurafrika wuxuu kamid yahay wadamada ay aadka ugu badan yihiin shilalka, Soomaali badan ayaana shilal ugu geeriyootay dalkaas taasoo ah arrin ay kala siman yihiin dadka ku nool wadanka, waxaase iyaga u gaar ah dilalka bareerka ah iyo dhaca joogtada ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.