Sawirro: Masjid Weyn oo Laga Dhisay Bu’aale.
Magaalada Bu’aale ee Wilaayada Jubbooyinka ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay masjid weyn oo dabaq ah oo bilihii lasoo dhaafay laga dhisayay magaalada.
Masjidka oo ah mid aad u qurux badan ayaa waxaa dhaqaalaha lagu dhisay bixiyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Wilaayada Jubbooyinka, hadda waa masjid weyn oo loo dhammeystiray qeybihiisa oo dhan.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay Waaliga Jubbooyinka Sh/Maxamad Abuu Cabdalla, culimo, salaadiin iyo bulsho badan.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA