Wasiir Hore oo Lagu Dhaawacay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay weerar hubeysan oo lagu beegsaday mas’uul xilal kala duwan soo qabtay soona noqday Xildhibaan iyo Wasiir ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Abuukar Macallin ayaa waxaa degmada Waabari ee gobolka Banaadir ku weeraray dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarka oo dhaca habeennimadii xalay ayaa waxaa lagu dhaawacay Abuukar iyadoo la sheegayo in dhaawaciisu uu daran yahay, waxaana loo qaaday goob caafimaad oo ay Turkidu ku leeyihiin caasimadda.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho si joogto ah uga fuliya weeraro iyo hawlgallo ka dhan ah DF iyo ciidamada shisheeye, waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegtay Xarakada Al-Shabaab sida laga soo xigtay idaacadda Andalus oo afkooda ku hadasha.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.