2,200 xarig oo sabab la’aan ah oo laga fuliyay Suuriya intii lagu jiray 2021.
Shabakadda Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha” ayaa warbixin ay soo saartay ku diiwaangelisay in ka badan 2,218 kiis oo ah “xarig aan sabab lahayn” kaasoo dhacay intii lagu jiray sannadkii la soo dhaafay 2021, ayna geysteen Nuseyriyada Bishaa
Shabakadda ayaa warbixinteeda ku sheegtay inay diiwaan gelisay, kiisaska aan kor ku soo xusnay, 85 carruur ah iyo 77 haween ah, iyadoo xustay in xarigga ay u dheeraayeen jir dillo iyo kufsi.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ‘maxbuusku marka ugu horraysa ee la xidho loo geysto jir dil, lagana joojiyo in uu la xiriiro qoyskiisa ama qareenkiisa, waxaana maxaabiistu ay la kulmeen dhibaatooyin xanuun badan.
Sidoo kale jariidada The Times ayaa sheegtay in Bashaar Al-Asad uu dambiile ku tilmaamay qof kasta oo qaxoonti ah oo soo laabta.