Afar Askari Oo Faransiis Ah Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Dalka Burkina Faso

Wararka ka imaanaya dalka Burkina Faso ayaa ku waramaya in Afar askari oo ka tirsan ciidamda Faransiiska ee duulaanka ku jooga dalalka dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ay ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday kolonyo ku socdaaleysay deegaan dhaca waqooyiga dalka Burkina Faso, sida ay ciidamada Faransiiska u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Faransiiska ayaa lagu sheegay in gaari gaashaaman oo ay wateen askartooda islamarkaana ka soo baxay garoonka Wahigoya ee waqooyiga dalka Burkina Faso uu haleeday qarax wadada dhinaceeda la dhigay, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sheegay in askarta la beegsaday ay qeyb ka ahaayeen howlgalka Barkhaan ee Faransiisku uu ka wado mandiqadda Saaxilka ee lagula dagaalamayo dagaalyahanadda Jihaadiyiinta ah.

Bayaan ka soo baxay xukuumadda Paris ayaa waxaa lagu xaqiijiyay dhaawaca 4 askari oo mid ka mid ah xaaladiisu ay halis tahay islamarkaana loo qaaday dalka Faransiiska, si loola tacaallo caafimaadkiisa.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse Jamaacada Nusratul al-Islaam wa al-Muslimiin, oo ka jihaadda wadamada dhaca saxaraha iyo saaxilka Afrika ayaa mar mar badan sheegatay howlgallo fariid ah oo lagu naafeeyay askarta Faransiiska ee duulaanka gardarada ah ku jooga dalalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.