Askar Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Magaalada Baardheere.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in Saakay howgal gaar ah oo ka dhacay halkaas lagu dilay askar katirsan DF.
Howlgalkaan ayaaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka Suuqa Xoolaha ee magaalada Baardheere, waxaana lagu dilay 2 askari.
Rag hubaysan oo katirsan Xaraakda Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay Cali Jeeri iyo Ismaaciil Yare oo ahaa laba askari ee katirsan ciidamada DF.
Raggii dilka geystay ayaa waxay sidoo kale askartaan ka fureen laba qori AK-47 ah oo ay ku hubaysnaayeen.