Askari Katirsan Millatariga Ukraine Oo Toogtay 5 Askari Oo Kale.
Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa ku waramaya in askari katirsan Millatariga waddankaas uu rasaas ku furay saabadiis, xilli ay ku sugnaayeen warshad diyaaradeed oo ku taalla gudaha waddankaas.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Ukraine ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in rasaasta uu furay askariga ay ku dhinteen 5 karirsan ciidamada xukuumadda, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.
Bayaanka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in askariga uu dilka u adeegsaday qori AK-47 ah, taas oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca askartaan, waxayna intaa ku dartay in askarigii falka geystay uu isaga baxsaday goobta.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumdda Ukraine ayaa intaas ku dartay in illaa iyo hadda aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan, balse ay wadaan baaritaanno lagu ogaanayo arrinkaas.
Dhacdooyinka nuucaan ah ayaa waxay joogto ka dhex noqdeen ciidamadii ka socday dalalkii Midowgii Soofiyeeti, si gaar ah dowladda Ruushka, waana mid kamid ah dhibaatooyinka ugu daran ee heysta dowladahaan sida ay sheegtay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.