Ciidamada La Magac Baxay Nabad Ilaalinta Ee Ruushka Oo Gebi Ahaanba Isaga baxay Kazakhstan

Wasaaradda Difaaca ee dalka Ruushka ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka ee ka tirsan ururka nabad-ilaalinta ee magaciisa loo soo gaabiyo CSTO ay ka baxeen dalka Kazakhstan iyaga oo wata dhowr diyaaradood oo nooca militariga ah.

“Cutubyada Ruushka ee Ciidanka Nabad-ilaalinta Wadajirka ah ee Kazakhstan waxay saakay aroornimadii ka soo kicitimeen iyaga oo qalabkooda milateri sita garoonka Alma-Ata,” ayaa lagu daray bayaanka.

Wasaaraddu waxay sido kale sheegtay in dayaaradaha 15 Il-76s iyo 3 An-124s ay ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka iyo qalabooda militiry ka soo daabuleen dalka Kazakhstan, isla markaana ay geeyeen garoomada diyaaradaha ee gobollada Ivanovo iyo Moscow.

Ka bixitaanka Ciidamada Ruushka ee dalka Kazakhstan ayaa ku soo aadaya xili xukuumadda Moscow ay dhaqdhaqaayo militery ka wado gobolka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.