Ciidamdo Faransiis Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeyn Ka Dhacday Dalka Maali.
Wararka ka imaanaya dalka Maali ayaa ku waramaya in Weerar madaafiic loo adeegsaday habeenkii xalay lagu garaacay saldhig ay ciidamada Faransiiska ee duulaanka ku jooga dalka Mali ku leeyihiin magaalo katirsan waddankaas.
Duqeynta oo ahayd mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday saldhigga ciidamda Faransiisiska ee magaalda Gao oo dhacda waqooyiga dalka Mali, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruuska oo soo xiganaysa ilo maxalli ah.
Ugu yaraan 1 askri oo katirsan ciidamada Faransiiska ayaa lagu dilay duqeyntaan halka lagu dhaawacay 9 kale, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Qasriga Elysee ee looga arrimiyo dalka Faransiiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in askari Faransiis ah oo lagu magacaabi jiray Alexandre Martin lagu dilay weerar madaafiic ah ee lagu garaacay saldhig ciidamada Barkhan ee duullaanka ku jooga dalka Maali ku leeyihiin magaalada Gao ee waqooyiga dalkaas.
Saraakiisha guud ee ciidamada Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in Martin uu u dhintay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray weerarka, iyagoo intaa ku daray in isla weerarkaas ay ku dhaawacmeen sagaal askari oo kale.
Dhankiisa, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in uu uu xusi doono Martin, kaas oo uu tilmaamay in uu dhintay Faransiiska si uu u guto hawshiisa.
Macron waxa uu intaa ku daray in uu xanuunka la qaybsanayo qoyska askariga, isagoona xusay in dalkiisa ay ka go’an tahay inuu sii wado dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray argagixisada.
Dhimashada Martin ayaa kusoo aadaysa iyadoo talaaladadii lasoo dhaafay qarax ka dhacay waddanka Burkina Faso lagu dhaawacay 4 askari oo Faransiis ah.
Illaa iyo hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyidda Weerarkaan, hasa yeeshee Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ka dagaalanta wadamada dhaca saxaraha iyo saaxilka Africa ayaa marar badan fulisay weeraro lagu naafeeyay ciidamada Faransiiska ee duullaanka ku jooga Mandiqadda.