Ciidamo Yuhuud Ah Oo Lagu Dhaawacay Iska Hor Imaad Ka Dhacay Xadka Masar.
Afhayeen u hadlay ciidamada Maamulka Yuhuudda ayaa shaaca ka qaaday in 2 askari oo katirsan ciidamadooda ay ku dhaawacmeen iska hor imaad iyaga iyo kooxo wax tahriibiya ku dhex maray xuduudda dalka Masar.
Bayaan kasoo baxay taliska guud ee Maamulka Yuhuudda ayaa lagu xaqiijiyay dhaawaca labadaan askari, iyadoona sidoo kale lagu sheegay in dhaawacadoodu uu ku dhacay si kama’ ah.
Taliska Millaratiga Yuhuudda ayaa waxuu intaas ku daray in 9 dhacdo oo nuucaan ah ay dhaceen habeenkii xalay, iyagoona sheegay inay iska hor imaadyo kala duwan la galeen kooxaha tahriibya Mukhadaraadka.
Waxaa wax lala yaabo ah in Yuhuudda ay sheegato inay beegsanayso qolyaha tahriibiya Mukhaadaraatka, taa badalkeedana ay dadka Yuhuudda ah ay Mukhaadaraadka iyo fisqiga nuucyadiisa kala duwan ku dhex faafinayaan bulshada ku nool dhulka Jaziiradda Carabta.
Warbixinno horay usoo baxay ayaa lagu sheegay inay aad iskusoo tarayaan dhaca, boobka, anshax xumada iyo Mukhadaradka ay dadka Yuhuuda ah ku dhex faafinayaan shucubta ku dhaqan Jaziiradda Carabta.