Dhageyso Hogaanka Al-Shabaab oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxda DF Guddina Umagacaabay Abaaraha.
Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa jeediyay kalimad xasaasi ah oo ka hadleysa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan abaaraha iyo khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu sarreysa Dowladda Dederaalka ah.
Ugu horreyn Sh/Cali Dheere ayaa dulmar guud ku sameeyay noocyada uu ka kooban yahay duullaanada ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen gayiga Soomaaliya isagoo xusay ineysan jirin wax ay shisheeyuhu u reebteen ummadda Soomaaliyeed, haddaanan lala dgaaalami lahaynna ay ummadda adoonsan lahaayeen.
Wuxuu sheegay in dhankooda ay si dardar leh ku wadaan halganka lagula jiro soo duulayaasha xaalkuna marayo meel wanaagsan, tusaalooyinka uu ka bixiyay waxaa kamid ah sida ay xilligan ciidanka Amisom ugu adag tahay iney isaga gooshaan wadooyinka sahaydana isgaarsiiyaan, wuxuu xusay in Jihaadkii uu bulaalay wilaayaadka islaamiga ahna ku naaloonayaan horumar iyo ku dhaqanka shareecada islaamka.
Intaasi kadib, Sh/Cali Dheere ayaa si xikmad leh u cabbiray khilaafka baahsan ee haatan ka dhex jira madaxda Dowladda Federaalka ah ee Villa Soomaaliya, ugu dambeyntiina wuxuu shaaciyay guddi qaabilsan gurmadka Abaaraha oo ay magacaabeen hogaanka Al-Shabaab.
Wuxuu bulshada ugu baaqay iney la shaqeeyaan gudigan si uu gurmad u gaarsiiyo degaanada ay roob yaridu ku dhacday loona baqayo in jiilaalka hadda billowday uu sii saameeyo. Ugu dambeyntii wuxuu maamulada wilaayaadka islaamiga ah faray iney xoogga isugu geeyaan tabantaabinta dadka abaaruhu saameeyeen.
FG: Kalimadda ayaa xambaarsan xog badan, si aad uga bogato ka dhageyso ama kala deg hoos.