Ergay Xildhibaan oo Lagu Dilay Muqdisho Iyo Askari Lagu Dilay Ceelasha.

Mid kamid ah hawlgallada ayaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu khaarajiyay ergay soo doortay xildhibaan ka tirsan DF.
Eegayga oo la oran jiray Ismaaciil Max’med Aadan ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyay eheladiisa kuwaasoo sheegay inuu u dhintay dhowr xabbadood oo ay ku dhufteen raggii soo weeraray.
Sidoo kale hawl ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho kaasoo lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda, waxaana ay ka furteen hubkii uu watay.
Muqdisho ayaa waxaa joogto ka ah hawlgallada bareerka ah ee lagu beegsado DF iyo ciidamada shisheeye.