Faafaahin Kasoo Baxaysa Israsaaseyn Khasaare Sababtay Oo Ka Dhacday Caabudwaaq

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa israsaaseyn gaysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacday magaalada Caabudwaaq ee dhacda waqooyiga gobalka Galgaduud.

Sida aan wararka ku helayno israsaaseytan ayaa timid kadib markii ay isku dhaceen ciidan ka tirsan kuwa Galmudug oo howgal ka waday xaafad ka mid ah magaalada Caabudwaaaq iyo koox dabley hubeysan ah oo sida la sheegay fadhiyay Meherad ganacsi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijyay in Israsaaseyntu ay ka dhacday xaafadda Ammaana ee magaalada Caabudwaaq, waxaana ay intaa ku dareen in ay u dhexaysay ciidanka howgalka waday iyo dabley hubaysan.

Inta la xaqiijyay iska hor imaadka u dhaxeeyay labada dhinac waxaa ku dhintay hal ruux oo ka mid aha kooxdii dableyda ahayd, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray askari ka tirsan ciidanka Galmudug ee dhawaan tababarka loogu soo xiray magaaladaasi.

Dirirta u dhaxaysa ciidanka iyo maleeshiyaadka ka wada tirsan DF iyo maamul goboleedyada ayaa waxay caado ka noqotay in ay ka dhacaan magaalooyinka iyo deegaannada ay ka arimiyaan, iyadoona khasaaraha ugu badan ay soo gaarto dadka rayid ah ee lagu dul dagaalamay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.