Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Waraka naga soo gaaraaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in deegaan katirsan magaalada Cape-town ay Burcad hubeysan ku dileen Ganacsade Soomaaliyeed, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Cadde Xasan Cadaan oo ahaa Ganacsade Soomaaliyeed ayaa la sheegay in uu ugeeriyooday rasaas ay la dhaceen Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah, kuwaas dooneysay inay dhacaan, xili uu marayay deegaanka Philipi oo ka tirsan Magaalada Cape-town.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana la rumeysan yahay in wax natiijo ah kasoo bixin doonin baaritaanka ay sheegeen inay wadaan.

Si kastaba Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa sidaan oo kale horey loogu dilay gudaha Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada falalka loo geysanayo Soomaalida ku dhacan dalkaas.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.