Gudoomiyihii Hore Ee Gobalka Hiiraan Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxay ku waramayaan, in caawa halkaas lagu dilay gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan ee dowladii Shariif Sh-Axmed.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Sahabaab ayaa goordhow degamada Wadajir ee gobolka Banaadir waxay ku dileen Cabdiraxmaan Ibraahim Macoow oo ahaa Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Sidaa ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan halka uu dilka ka dhacay rag Bastoolado ku hubeysan ay rasaas la dhacay ninkaan , xilli uu ku sugnaa meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyagoona isaga baxsadaday goobta.

Macoow ayaa hadda ahaa Musharax Xildhibaan oo doonayay in uu ka qeyb galo doorashada Xildhibaanada ee ka dhaceysa magaalada Baladweyne.

Masuuliyadda dilka Cabdiraxmaan Ibraahim Macoow oo ahaa Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa si buuxda u sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Sahabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.