Gudoomiye Shuute: “Al-Shabaab Si Gaar Ah Ayay Ii Raadinayaan 10 Sano Xaaskeyga Lama Noolaan”

Xassan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha maxkamadda ciidamada DF ayaa kana mid ah ragga ugu ilaalada iyo dhaqaalaha badan dowladda ayaa aad uga baqaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawl gala magaalada Muqdisho.

Isagoo u waramayay warbaahinta Mareykanka ee VOA ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu dareemayo culeys uga imanaya Xarakada Al-Shabaab uuna isku arko inuu yahay nin si gaar ah loo doon-doonayo.

Wuxuu tilmaamay inuu muddo ku siman 10 sano ku nool yahay nolol ciriir ah, wuxuu sheegay inuusan la nooleyn xaaskiisa iyo caruurtiisa kamana warramin waxa uu rafaadka intaa la eg ku badalanayo.

Shuute ayaa intaa ku daray in bulshada iyo dadka qaraabadiisa ah iyo xataa kuwa DF ku jira ay u arkaan inuu yahay nin faraha la galay xaalad khatar ah taasna ay keentay iney sidii qof juudaam qaba oo kale ay uga cararaan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey u dishay rag badan oo ka tirsanaa garsoorka DF, qeyla dhaanta iyo cabsida uu shaaciyay gudoomiyaha maxkamadda ciidamada DF ayaa caddeeneysa kaalinta hey’adaha Al-Shabaab ee ka hawlgala magaalada Muqidhso.

Sh/Mahad Warsame Abuu C/raxmaan wuxuu kamid yahay mas’uuliyiinta Al-Shabaab ee farriimaha u diray madaxda, saraakiisha iyo ciidamada DF isagoo ku goodiyay in ay meel walba ku beegsan haddeysan faraha kala bixin hawlaha shisheeye kalkaalnimo ee ay ku jiraan.

Halkan Ka Degso Warka Shuute

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.