Hey’adda Kafaala oo Madraso U Furtay Agoonta Kuunyo Barrow.
Madarasada Al-Misbaax ee barashada Quraanka kariimka iyo Tarbiyada Islaamka, waa madaraso islaami ah oo ay mu’assasada Al-Kafaala ee xanaanada Agoonta ka hirgelisya deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhawaan munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta madarasada ee Kuunya Barrow, kana soo qeybgaleen culimo, ganacsato, odayaal dhaqan iyo maamulka mu’assasada Al-kafaala ayaa lagu daah furay madarasada oo ay hadda wax ku bartaan 40 caruur oo agoon ah oo isuga jira wiilal iyo gabdho.
Kafaala waa hey’ad madax bannaan oo aan cidina hoos tagin.