Kumuu ahaa dagaalyahankii fuliyay weerarkii agagaarka Afisyooni ee lagu beegsaday saraakiisha Caddaanka? [Dhageyso].

Idaacadda Andalus ayaa baahisay dardaaranka dagaalyahankii fuliyay weerar maalmo ka hor Muqdisho ka dhacay.
Maxamed Aadan gureey oo sidoo kale loo yaqaanay Siciid, waa dagaalyahankii fuliyay weerarkii naf-hurnimo ee Arbacadii la soo dhaafay oo taariikhdu ku beegneyd 12-kii bishaan Janaayo ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas waxaa lala beegsaday Saraakiil reer galbeed ah oo howlo basaasnimo u joogay Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay dhaq dhaqaaqa hubaysan ee Al Shabaab

 
Dagaalyahankan oo 44 sano jir ahaa ayaa ka dhashay beesha Gaaljecel gaar ahaan jufada Dirisame, wuxuu sanadkii 1977-kii ku dhashay degmada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan halkaasi oo uu kusoo barbaaray kuna soo hanaqaaday.
 
Max’med Aadan Gureey ayaa halganka jihaadka Soomaaliya ku biiray sanadkii 2011-kii.

Halkan ka dhageyso dardaaranka Max’med Aadan MP3

Xigasho: Idaacadda Andalus

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.