Maleeshiyaad Hubeysan Oo Askari Ku Dilay Marko iyo Xiisad ka Taagan Halkaasi
Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa dhacayay Dilal iyo dirir u dhaxaysa Maleeshiyaad ka wada tirsan ciidamada DF, kuwaas oo u abaalaan qaab qabiil.
Sida wararka halkaasi aan Ka heleyno ay tilmaayayaan Maleeshiyaad hubeysan ayaa magaalada Marko gudaheeda waxay ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda Federalka.
Askariga la dilay ayaa wuxuu si gaar ah kaga tirsan Ciidamada Nabadsugida DF, kaasoo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Xaankeey, sida ay ku waramayaan dad goobjoogayaal ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan in magaalada Marka xalay iyo maanta laga dareemayay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo ee ka wada tirsan DF, taas oo salka ku haysa arrimo la xiriira aanooyin qabiil, iyagoona dhowr jeer dad iska dilay.
Goobaha ay ka arrimiyaan dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada shisheeyuhu dalka ka dhisay ayaa waxaa joogta ka ah iska hor imaadyada u dhaxaaya askarta iyo maleeshiyaadka taabacsan, kuwasoo ay ka dhashaan khasaarooyin kala duwan.