Mid kamid ah ergooyinka oo lagu dilay degmada Afgoye.

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgoye ee gobalka shabeellaha hosoe ayaa ku waramaya in maanta uu dil ka dhacay gudaha degmadaasi.

Dagaal yahanno katirsan xarakada Alshabaab ayaa halkaasi ku dilay  Nuur Sidow Surre oo kamid ahaa Ergadii Xildhibaannada soo xulay gaar ahaan kuwa ka yimid koonfur galbeed.

marar badan ayaa Afgoye lagu dilay saraakiil,ciidamo iyo qaar kamid ah ergooyinka soo xulay baarlamanka.

Xalay ayay ahayd markii Muqdisho lagu dilay Safiyo Karaani oo ahayd Agaasimaha maaliyada ee wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda.

Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa sii laba jibaartay howlgaladeeda xili dowladda ay ku jirto waqti kala guur ah oo iyagu isku mashquulsanyihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.