Qarax Culus Oo Lagu Weeraray Saldhiga Turkiga ee Muqdisho.
Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in camaliyad Nafhurnimo o aad u xoogan ay ka dhacday afaafka hore ee xerada Turkiga uu ku tababaro ciidamada Soomaalida ee ku taalla caasimadda.
Jugta qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay afaafka hore ee xerada, oo ay xilligaasi ku shaaheynayeen ciidamo katirsan ilaalada saldhiga Turksom loogu magacdaray ee ku yaala warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku sheegatay masuuliyadda camaliyadan Nafhurnimada ah, kaasoo lagu soo waramayo inuu geystay khasaare ba’an oo gaaray ciidamada uu Turkigu tababaro.
Warar horudhac ah oo la helayo waxay xaqiijinayaan dhimashada labaatemeeyo askari oo katirsan ciidamadii ku sugnaa afaafka hore ee xerada Turkiga oo uu ka dhacay qaraxa.
Wuxuu kusoo aadya qaraxan, xilli maalmo kahor magaalada caasimadda ah ee Muqdisho camaliyad ka dhacday lagu beegsaday Afhayeenka Xukuumadda federaalka, ahaana la taliyaha ra’iisul wasaaraha ninka lagu magacaabo Maxamad Ibraahim Macallimow, kaasoo loo qaaday dalka dibadiisa, markii xaaladiisa caafimaad waxba looga qaban waayay Muqdisho.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba jibaartay weerarada xoogan ee ay ku beegsanayaan Dowladda federaalka, masuuliyiinteeda iyo Shisheeyaha dalka kusoo duuley.