Qarax Khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Magaalada Baladweyn.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa tilmaamaya in qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaaladaas, kaasoo lala eegtay saraakiil katirsan Dowladda federaalka.

Qaraxa oo ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Baladweyn ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal magaciisa lagu sheegay Nuux oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa ku dhintay qaraxa, halka uu sidoo kale ku dhaawacmey sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Indhaceel, kaasoo sidoo kale loo garan ogyahay Afyare.

Ciidama katirsan maamulka Hir Shabeelle ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana xaaladda magaalada hadda laga soo sheegayaa iney qasantahay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.