Qarax Lagu Dhaawacay Mas’uul Katirsan Gobolka Banaadir Oo Ka Dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaalya.

Cabdullaahi Cali Kuusow oo ah Madaxa Caanshuuraha ee maamulka degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir ayaa ku dhaawacmay qarax maanta lala beegsaday gaari uu watay.

Qarax oo ahaa mid culus isla markaana jugtiisa laga maqlay qaybo ka mid ah gobalka Banaadir ayaa haleelay gaariga mas’uulkaan xili uu marayay gudaha degmada Dharkenley, iyadoona gaarigii qaraxa lala beegsaday uu halkaasi ku burburay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaan lagu dhaawacay mas’uulkaan ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir ee dowladda Federalka Soomaaliya.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.