Sarkaal Katirsan Ciidamda Mareykanka Oo Lagu Dilay Toogsho Ka Dhacaday dalkaas
Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhacday toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Mareykanka isla markaana si xun loogu dhawacay askari kale sida ay saacadihii lasoo dhaafay baahisay warbaahinta Mareykanka.
Taliyaha booliiska magaalada New York ayaa sheegay in toogashada ay timid kadib markii ciidamadu ay ka jawaabeen wicitaan kaga yimid haweyney sheegtay in mid ka mid ah wiilkeedu uu ugu hanjabay dil, islamarkaana ay u baahan tahay caawimaad deg dega ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha booliiska in markii askartu ay gaareen guriga ay rabshadu ka jirtay uu wiilkii ciidanka rasaas ku furay taas oo sababtay dhimashada Jason Rivera, oo ahaa sarkaal ka tirsan waaxda Booliska New York iyo dhaawaca askari kale.
Duqa magaalada New York Eric Adams oo isna dhankisa ka hadalay dhacdadaan ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen ninkii tooshada geestay, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Lashawn McNeill oo 47 jir ah.
Toogashadaan ayaa ku soo aadaysa xili ay isi soo tarayaan dilalka loo geysanayo askarta ka tirsan ciidamada Mareykanka, iyadoona todobaadkii la soo dhaafay oo kaliyah lagu dilay magaalada New York 4 askari oo ka tirsan ciidamda booliska Mareykanka.