Sawirro: Dhaawaca Macallimow oo Dibadda Loo Qaaday Markii Dalka Wax Looga Qaban Waayay.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga qaaday dhaawaca Maxamad Ibraahim Macallimow oo ah Afhayeenka Xukuumadda Federaalka iyo darawalkii gaariga u kaxaynayay markii qaraxa lala beegsanayay shalay.

Diyaar khaas ah oo nooca gurmadka degdegga ah oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa looga duuliyay garoonka diyaaradaha ee magaalada MUqdisho, waxaana macallimow ka muuqanayay kabniin dhowr meel ah.

Mas’uuliyiintii wax ka sagootinayay ee goobta joogay ayaa sheegay in kharash badan lagu bixiyay diyaaradda qaaday dhaawaca, waxaana wajiyadooda laga dheehanayay sida ay uga murugeysan yihiin dhaawaca gaaray Macallimow.

Mas’uuliyiintii sagootineysay waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo qaar kamid ah saraakiil hoosaadyada dhanka xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo Warfaafinta.

Sababta dhaawaca Macallimow dibadda loogu qaaday ayaa waxaa lagu macneeyay in dalka wax looga qaban waayay waxaana farriinta arrintan horey loo siiyay Ra’iisulwasaaraha DF, Maxamad Xuseyn Rooble xilli uu booqanayay isbitalka Digfeer.

Macallimow ayaa u taagnaa inuu noqdo Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Federaalka, weerarka lagu beegsaday waxaa dorraad sheegatay Xarakada Al-Shabaab iyadoo saxaafadda u sheegtay in hawlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.