Sawirro: Shirka Wadatashida Horumarinta Beeraha & Badqabka Cuntada.

Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa qabatay shir looga arrinsanayay horumarinta beeraha iyo badqabka cuntada ee gobolka, kaasoo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin, culimo, hormuudka beeraleyda labada gobol ee Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, ganacsato iyo odayaal dhaqameedyo.

Shirkan ayaa la qabtay xilli ay muddo 6 cisho ah beeraleydu qaadanayeen dowraad isugu jira sharci iyo kuwa maadi ah oo ku saabsan farsamooyinka beeraha, Shirka ayaa muddo laba maalmood ah ku socday si habsami leh waxaana aad looga hadlay caqabadaha heysta beeraleyda iyo sida lagu hormarin karo.

Maamulka islaamiga ah ee Jubbooyinka ayaa uruuriyay aragtiyada iyo talooyinka waxaana ugu dambeyntii la kala qaatay go’aano ku saabsan dhanka horumarinta, inta uu socday shirka waxay wilaayadu soo bandhigtay wax qabad badan oo dhanka beeraha ah oo isugu jira dhismaha buundooyin cusub iyo kuwa la dayac tiray.

Shirka ayaa aad u dhiira galiyay wax soo saarka iyo muhiimaddiisa, qadiyadda badqabka cuntadana tahay mas’uuliyad wadareed, sida laga dheehan karo mid kamid ah halkudhegyada ku qoran boorka shirka.

Munaasabadda gunaanadkeedii waxaa beeraleyda la gudoonsiiyay lacago iyo shidaal loogu tala galay iney u adeegsadaan matoorada biyaha kasoo saara wabiga maadaama roobku yaraa sannadkan, dadka Jubbooyinkana beeranayaan hareeraha wabiyada.

Waa shirkii ugu horreeyay noociisa ee ay qabato wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka waxaana si diiran usoo dhaweeyay beeraleyda iyagoo dalbaday in lasoo celceliyo wadatashiyada noocan oo kale ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.