Xaalad Kacsanaan Ah Oo Xalay Iyo Maanta Ka Taagan Magaalada Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in saakay ay halkaas ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah.

Magaalada ayaa waxaa habeenkii xalay ka dhacay dibad baxayo rabshada wata, kuwaas oo looga soo horjeedo imaatinka Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo la sheegay in uu tagayo Magaaladaas.

Magaalada ayaa saakay gashay is badal cusub, waxaana xaafadaha qaar ee ka mid ah magaalada si buuxda ila wareegay Sarkaal katirsan ciidamada DF.

Ciidamdo hubaysan oo uu wato sarkaalkaan oo lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa la wareegay qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan laga soo bilaabo xaafadda Nuur-Xawaad illaa Suuqa Daraawiishta.

Sawirro laga soo qaaday magaalada ayaa muujinaya ciidamada uu wato sarkaalkaan kuna hubeysan gaadiidka dagaalka oo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Baladweyne.

Wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada ay gabi ahaanba isaga baxeen ciidamadii boliska ee Maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo lagu soo waramayo inay galeen xirada Lamagalaay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xaalad jaha wareer ah ay ka taagan tahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoona saacadba saacadda ka dambeysa la filan karo in halkaas ay ka dhacaan iska hor imaadyo udhaxeya labada dhinac.

Kusoo Biir Channelka Al-Furqaan ee Telegram.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.